Masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmahaan ku sugan magaalada muqdisho ayaa shirar waxa uu la qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Wasiir Caadle ayaa la kulmay Xubno ka tirsan Midowga Yurub, iyaga oo kawada hadlay Arrimaha ay kamid yihiin howlaha doorshooyinka Maamulka Hir-Shabeelle, daadjinta dhismaha Golaha degaanka iyo sugida Amniga Hirshabelle.
Kulmada oo qaatay saacado badan ayaa waxaa siwyen looga hadlay sida ugu wanagaasan ee Dowladaha Caalamka ay kaga qeyb qaadan karaan dadaalada ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ku dhiseyso dhismaha Golaha degaanka iyo howlaha doorshooyinka sugida amniga iyo Arimaha Fatahaahada ee Hir-Shabeelle.
Madax ugu sareeya Xafiiska isku xiraha EU ee Soomaaliya Dorian kivumbi ayaa sheegay inay diyaar yahiin ka qeyb qaadashada Arrimaha doorshooyinka dhismaha Golaha degaanka iyo howlaha amaanka, asigoo Wasiir Caadle ku boogaadiyay dadaalada dhismaha golaha degaanka ee u kawado degaanada Hir-Shabeelle.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xubnaha EU ugu mahad celiyay Garab-istaaga marwaliba ku bixiyaan horumarinta Hir-Shabeelle iyo guud ahaan Soomalaiya.
Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in degaannada Hir-Shabeelle ay ka bilaawdaan doorashooyinka Baarlamaanka, iyada oo xulista Xildhibaannada ay taahan socdaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here