Mas’uuliyiin ku dhintay qaraxii Muqdisho

Agaasimihii xiriirka gobolada ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cabdi ayaa la xaqiijiyay in uu ka mid noqday dadka ku dhintay Qaraxa ka dhacay Hoteellada Elite oo ku yaalla xeebta Liido.
Agaasimaha ayaa ka mid ah dadka ku sugnaa Hoteelka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Shaqaalle dowladeed, Ciidan, dad rayid ah.
Sido kale Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington ayaa dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxa ka dhacay Hoteelka Elite ee Muqdisho iyo weerarka ka socda.
Wali si rasmi ah looma xaqiijin karo Khasaaraha rasmiga ah laakiin goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaawacyo iyo dhimasho badan la geeyay Isbitaallada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here