Masuuliyiin Mucaaradka Soomaaliland ka tirsan oo Xabsiga laga sii daayay.

Ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa xabsiga kasii daayay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo dhawaan la xiray ka dib Banaanbax ay ku baaqeen xubnaha sare ee Xisbiga wadani.
Booliska Somaliland ayaa Xalay xabsiga ka siideysay xoghayihii guud ee xisbiga waddani Khadar Xuseen, Afhayeenkii xisbiga waddani Barkhad Jamac iyo Cabdi Ibraahim (Ilameereyso).
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ayaa soo dhaweeyay soo deynta masuuliyiinta xisbigiisa Wadani ka tirsan ee mudada ka badan Todobaadka u xidhnaa ciidanka Booliska Hargaysa.
Xiisad ayaa ka Dhalatay dhawaan guddiga Doorashooyinka Somaliland oo xisbiyadda Mucaaradka ah ay diideen kadibna Xisbiga wadani ayaa isu soo bax ku baaqay waxaana ka soo Horjeestay ciidanka Booliska taasoo keentay in la xiro xubno ka mid ah Xisbigaasi.
Masuuliyiinta Xabsiga laga sii daayay ayaa warbaahinta si kooban ula hadlay waxaana hadaladooda ka mid ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here