Mas’uuliyiinta dalka oo looga digay inay ku dhaqaaqaan hadalada kicinta dadweynaha

Taliyaha guud ee booliska dalka Hilary Mutyambai ayaa maanta sheegay in booliisku uusan u tudhi doonin ama ka aamusi doonin hogaamiye kasta oo ku hadla hadalo kicin leh iyo kuwo xambaarsan naceyb, ka dib xiisada sii kordheysa ee dalka ka jirta oo ku saabsan hadalada ay jeedinayaan siyaasiyiinta iyo siyaasada ku gadaaman doorashada ee 2022.
Mr. Mutyambai ayaa sheegay in kuwa hadalada naceybka ah, oo ay ku jiraan qoraalada baraha bulshada, ee loogu talagalay in lagu kiciyo kenyaanka, aan la doonin.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadayaa iyada oo ay isa soo tarayaan baaqyada ku aadan in la muujiyo dulqaad siyaasadeed.
Madaxa booliska ayaa sii sheegay in booliisku uusan ka waaban doonin inuu talaabo sharci ah ka qaado siyaasiyiinta lagu helo inay wadaan nacaybka iyo kicinta.
Mutyambai ayaa sidoo kale Kenyaanka ku booriyay in ay iska caabiyaan isku day kasta oo ay hogaamiyayaashu ku kicinayaan rabshadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here