Masuuliyiinta Galmudug oo bilaabaya qiimaynta dhibaatada Fatahaada Bacaadweyn

Guddigii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa gaaray Deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta Gobolka mudug si ay u qiimeeyaan xaaladda Deegaankaas oo ay saamayn xooggan ku yeesheen Roob ka da’ay kuwaasoo daadad fara badan Magaalada KU Rogay.
Guddoomiyaha Gobolka mudug ee maamulka Galmudug oo halkaas tegay ayaa ku soo dhaweeyay Guddi ka kooban Wasiiro oo uu magacaabay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor Madaxweynaha Galmudug
Guddoomiyaha iyo Xubnaha Guddiga ayaa kormeer waxay ku sameeyeen magaalada oo ay ka muuqatay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo Gurmadyo kala duwan,waxaana la sheegay in dadka qaarkood ay barakaceen kadib markii Magaaladaas ay ka da’een roobab xooggan oo daadad ay ka dhasheen ayna halkaas ku dhinteen ilaa labo qof sida ay Masuuliyiintu Xaqiijiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here