Masuuliyiinta Galmudug oo goob Fageeraha qaad ku gubtay

Saraakiisha Ammaanka ee ku sugan Magalada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa Maanta meel fagaare ku gubay jaad ( Qaad) si dhuumaaleysi ah lagu soo geliyey Magaaladaas maadaama horay looga mamnuucey si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus.
Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Galmudug ee degmada Cabudwaaq ayaa Gudaha iyo daafaha Magaalada looga soo qabtey Jaadka,isla markaana Maanta ayaa la gubey.
Taliyaha Booliska ee degmada Cabudwaaq Qalbi Nuur ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen 5 Ruux iyo gaadiidka jaadka lagu waday kuwo kalena ay baxsadeen oo ay ku raad joogaan.
Waxaa uu digniin u direy dadka jaadka la mamnuucey soo gelinaya Gudaha Magaalada,isagoo sheegay in ilaa uu amar kale uu kasoo baxo dowladda Federaalka jaadka (Qaadka) uu mamnuuc ka yahay in lasoo geliyo degmada Cabudwaaq.
Dhanka kale Taliska Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa waxay ciidamo u direen deegaanka Furinta-foore Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud gaar ahaan xadka Itoobiya,halkaasoo dagaal geystay khasaare kala duwan uu ku dhex-marey labo maleeshiyo Beeleed.
Ciidamadaan oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa la filayaa inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamey.
Sidoo kale wararka la helayo halkaas ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ay tegi doonaan Deegaanka Furinta-foore si ay uga qeyb qaataan joojinta iyo xalinta dagaalka halkaas ka dhacay.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxaay sheegayaan in xaaladu ay tdagan tahay,walowdagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay ay dad badan ku geeriyoodeen sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacday.
Maamulka Jubaland ayaa dhankiisa waxay Ciidamo kala dhex dhigeen labo Maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamayay duleedka Magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here