Masuuliyiinta Galmudug oo ka shiray Xakamaynta COVID 19

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta ka furmey shir deg deg ah oo looga hadlayo u diyaar garowga iyo ka hortaga Cudurka Coronavirus oo ka dilaacey wadamo badan oo Caalamka ka tirsan.
Shirkaan ayaa dhexmaray Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adaha Caafimaadka, Nafaqada iyo Nadaafada ee Galmudug,iyagoo wadatashi ka yeelanaya sida looga hortegi karo Cudurkaan.
Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Galmudug Dr C/wali Axmed Maxamuud oo Shirka furay ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii loo samayn lahaa ka hortag looga Gaashaamanayo Faafitaanka Covid-19 Maadaaba kiiskii ugu Horeeyey laga Diiwaan galiye Dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Sidoo kale Agaasiamaha ayaa sheegay in la diyaarinayo Koox Caafimaad oo Magaalada Muqdisho u aadi doona Tababar si loo sameeyo ka hortaga,sidoo kalena dhawaan Qalabka baaritaanada cudurkaan lasoo gaarsiin doono deegaannada Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here