Masuuliyiinta Galmudug oo soo saaray awaamiir dagaal Beeleedyada looga Hortagayo.

Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa Maanta ku dhawaaqay go’aano looga hortagayo isku-dhacdaya maleeshiyo Beeleed ku dhex-mara deegaannada Maamulkaas.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay degaanka Qalaanqale e duleedka Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in marnaba Maamulka Galmudug aysan aqbali karin in ay deegaameyn kasii wado deegaanada lagu dagaalamey ee Waqooyiga Galgaduud.
Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in dhul aan sharci loo heysan aan laga dhisi karin dhamaan deegaannada Galmudug,taas oo sababtay dagaalo soo laab laabtay,waxaana uu sheegay ciddii go’aankaas qaadan weysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Waxaa uu sheegay in deegaannada Galmudug bilihii la soo dhaafy ay kusoo laab laabteen dagaal beeleedyada,taasina ay keentay hubka oo weli dadka Shacabka gacnata ugu jira,waxaana laamaha Amniga Galmudug uu faray inay fuliyaan Go’aanada ay soo saareen.
Deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug waxaa bilihii la soo dhaafay ka jiray dagaal beeleedyo soo laab laabtay walow intooda badan la xaliyay,hayeeshee Galmudug ay ka digeyso inay markale soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here