Mas’uuliyiinta ismaamulka Mandera oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay xadka uu dalka la wadaago Somalia

Shacabka ku nool ismaamulka Mandera ayaa soo wajahday cabsi xoogan ka dib markii maanta uu dagaal ku dhexmaray bartamaha xadka uu dalka la wadaago somalia ee Beledxaawo ciidamada dowladda federaalka Somalia iyo ciidamada Jubland oo taabacsan wasiirkii amniga maamulka Jubland Cabdirashiid Janan.
dagaalka oo mudooyiin badan qaatay ayaa lagu soo waramayaa inuu hadda istaagay walow aan la ogeyn khasaaraha uu sababay.
waxaa liidata isgaarsiinta ismaamulka Mandera oo uu saameyn adag ku yeshay dagaalka .
arrintan ayaa waxaa ka hadlay senetarka ismaamulka Mandera iyo xildhibaanka laga soo doortay bariga Mandera Cumar Macalin cumar Saala iyagoona wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here