DHAGAYSO:Masuuliyiinta Soomaaliland oo Faahfaahin ka bixiyay Haween Shalay lagu xidhay magaalada Hargaysa

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay dhacdo shalay xabsiga loogu Tixaabay In ka badan 30 Haween ah oo magaalada Hargaysa banaanbax ka Sameeyeen kadib ayagoo ka cabanayay caruurtooda oo Tahriibay maamulkana ka dalbaday inay arintaasi wax ka qabtaan.
Haweenkaan ayaa la sheegay inay xanibeen dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Suuqa magaalada Hargaysa waxana ay taaso keentay inay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigaan haweenkaas oo qaarkood ahaa ganacsatada Suuqa magaalada Hargaysa.
Haweenkaas ayaa xarigooda waxaa xalay ku baxay duqa Degmada Hargaysa,Masuuliyiin kale oo Ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo ururka Haweenka ee magaalada Hargaysa waxaana lagu guulaystay inay markale dib xoriyadooda u helaan.
Haweenkaasi ayaa lagu wargaliyay inuusan banaan baxoodu noqon mid carqaladeeya dhaqdhaqaaq iyo amaanka magaalada,haweenka ayaasi waxay ku doodayeen inay Qasab tahay inay si Nabad galyo ah ay dareenkooda u muujiyaan iyagoo xukuumada ka dalbanayay inay Kaalin ku yeelato sidii caruurtooda looga soo dayn lahaa xabsiyo ku yaala dalka Libiya oo ay markii hore Tahriib ku tageen.
Dhanka kale Booliska Soomaaliland ayaa Faahfaahin ka bixiyay xarig loo gaystay gudoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Wadani oo ay eedaymo u jeediyeen.
Faysal Xiis oo ah afhayeenka Ciidanka Booliska ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in sharciga la Horgaynayo ninkaas oo uu ku eedeeyay kicin dadweyne iyo waxyabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here