Masuuliyinta Maamulka Puntland oo shaaciyay kiisaski ugu badnaa ee CoronaVirus

Wasaaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaacisey natiijada baaritaan ay ku sameeyeen dad looga shakisanaa inay qabaan Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus,kaasoo kiisas farabadan laga helay dalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo xalay xilli dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la baaray 20 Ruux oo Cudurka looga shakisanaa,isla markaana laga helay 12 Ruux oo ka mid ah dadkii shakiga looga qabay xanuunka.
Wasiirka ayaa cadeeyay in 20 Ruux ee la baaray 16 kamid ah ay rag ahaayeen halka 4 dumar ahaayeen, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, sidoo kale 8 ruux ayaa laga waayay wax cadaymaha oo ku aadan cudurka.
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee deegaanada maamulka Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23 Ruux, isla markaana hal bukaan uu u geeriyooday xanuunka.
Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu sheegay in maalmahaan howlaha baaritaanka Cudurka COVID-19 ay hakad ku jireen sababo la xiriira baahi dhinaca Qalabka wax lagu baaro ah balse ay dib u bilaabeen.
Kiisaska Cusub ee Cudurka Coronavirus ah oo ay Puntland shaacisay xalay saqdii dhexe kama mid ah 70 kiis oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedralka Soomaaliya,hayeeshee waxaa la filayo in Wasaaradda ay Galabta shaaciso tirade dadkaan Puntland lagu arkay iyo wixii kale oo gobolada kale ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here