Mataatuuda oo laga saaraya bartamaha magaalada Nairobi

Agaasimaha maamulka NMS ee ay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta qaar ka mid ah adeegyada shacabka ee caasimadda dalka Maxamad Baadi ayaa sheegay in laga billaabo bisha 11-aad ee sannadkan gaadiidka dadweynaha nooca loo yaqaano mataatuuda aynan gudaha u geli doonin bartamaha caasimadda.
Waxaa uu xusay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo ciriiriga dhanka isku socodka baabuurta ee ka jiro bartamaha Nairobi.
Arrinkan ayuu Maxamad Badi shaaca ka qaaday xilli uu hor tagay baarlamaanka dalka.
Iskuday qorshahan ku aaddan oo marar badan la guda galay ayaan si buuxda loogu guulaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here