DHAGEYSO:Matiang’i: Yaan la dhagaysan cid kasta oo xilli hore billowday olole siyaasadeed

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa shacabka ugu baaqay inaysan ku dagmin hadallada naceybka ku saleysan ee ay jeedinayaaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo uu xusay inay xilli hore billaabeen olole siyaasadeed.
Waxaa uu xusay inay jiraan shakhsiyaad ku howlan inay dadweynaha taageero waydiistaan in kastoo muddo ay ka dhiman tahay doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyamira ayuu wasiir Matiang’i carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha uu yahay astaan midnimo qaran sidaas awgeedna la doonayo in fursad buuxda loo siiyo gudaha waajibaadkiisa dastuuriga ah inta uu ka dhamaanaya muddo xileedkiisa.
Dhalinyarada qaar ayuu sheegay in si khaldan loo isticmaalaya isagoo soo jeediyay in cid kasta ay ka taxadarto qaabka ay u adeegsado baraha bulshada.
Dhanka kale waxaa uu dhalinyarada u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay inay shaqo abuur u sameyso balse laga doonayo inay dulqaad muujiyaan inta laga xallinayo caqabadaha la xiriira barnaamijyada qaar ee shaqo abuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here