Matiangi oo baaq u diray saraakiisha booliska

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwaha howlaha qaranka Fred Matiangi ayaa ku boorriyay saraakiisha booliska in ay adkeeyaan dhaqan galinta bandowga habeenkii.
Mr Matiangi ayaa u sheegay saraakiisha ilaalada ka ah waddoyinka in ay xiraan jidgooyin laga dhisay magaalooyinka Machakos iyo Nairobi sidoo kale aysan u ogolaan shaqsiyaadka sida sharci darada ku soo gudbaya Nairobi iyo Nawaaxigeeda.
Wasiirka ayaa arrintaan ka hadlay xili uu shalay oo kormeerayay isbaarooyinka la dhigay magaalooyinka Machakos iyo Kajiado si loo dhaqan geliyo joojinta dhaqdhaqaaqa ee ka socda Nawaaxiga Magaalada Nairobi.
Waxaa kormeerka ku wehlinayay abaanduulaha booliska Mr Hillary Mutyambai.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here