Maxaa la doonaya inaad sameyso si aad uga badbaado caabuqa Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa isagoo raacaya sharciga caafimaadka dadweynaha ee dastuuriga ah waxaa uu shacabka kula taliyay;
1. In qofka qufacaya aad u jirto ugu yaraan masaafo dhan hal miitir.
2. In cid kasta oo qufacaysa, qandho ay hayso sido kalena dareemaysa culeys dhanka neefsashada ah ay guriga ku sugnaato.
3. Inaan la isugu tagin sido kalena aan laga qeyb gelin isku soo baxyada waaweyn.
4.Dadka ka shaqeeya ama maareeya gaadiidka dadweynaha waxa laga doonaya inay si joogto ah baabuurtooda u nadiifiyaan sido kalena rakaabka ay siiyaan agabka ama daawooyinka looga hor tago cudurrada ee jeermiska dila.
6. Dowladda ayaa sido kale hakisay in la booqdo xabsiyada muddo 30 cisho ah.
7. Kenyaanka ayaa sido kale looga digay inay faafiyaan wararka aan saxda ahayn ee caabuqa la xiriira.
8. Shacabka ayaa lagu boorriyay inay si joogta ah nadaafadda ugu dadaalaan oo ayna gacmaha ku dhaqaan biyo iyo saabuun.
9. Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa ka digay in gacmaha la isku salaamo wuxuuna soo jeediyay in marka uu qof ku salaamo adigoo aan u dhawaan aad gacmahaaga isaga saarto ama aad gacanta xabadka saarto si aad u muujiso inaad salaanta ka qaadday.
10. Goobaha laga shaqeeya sida shirkadaha ayaa lagu wargeliyay inay diyaariyaan waxyaabaha ka hor tagaya cudurrada.
Cudurka uu sababo firuusiga Coronavirus ee loo yaqaano (COVID-19), oo markii hore ka soo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa ilaa iyo hadda galaaftay nolosha ku dhawaad 5,000 oo qof waxaa uuna guud ahaan caalamka saameeyay in ka badan 135,000 oo qof oo ku nool ugu yaraan 120 dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here