Maxaabiis isku laayay xabsi ku yaalla Brazil

Brazilian riot police prepare to invade the Puraquequara Prison facility at Bela Vista community, Puraquequara neighborhood at the city of Manaus, Amazonas state on May 27, 2019. - At least 40 inmates were killed in four jails in northern Brazil on Monday, authorities said, in the latest wave of violence to rock the country's severely overpopulated and dangerous prison system. (Photo by Sandro Pereira / AFP) (Photo credit should read SANDRO PEREIRA/AFP/Getty Images)

Ugu yaraan 57 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen rabshado ka dhacay xabsi ku yaalla dalka Brazil, oo ay ku dagaallameen kooxa xabsiga ku wada jira.
Koox ka mid ah maxabiista xabsiga Altamira oo ku yaalla gobolka Para ee dalka Brazil ayaa la wareegtay qayb ka mid ah xabsiga oo ay ku jireen koox kale oo ay iska soo horjeedeen.
Mas’uuliyiinta xabsiga oo warbaahinta u warramay waxay sheegeen dadka rabshadahaasi ku dhintay 16 ka mid ah in ay u dhinteen cabbur ka dhashay dab la qabadsiiyey gurigi ay ku jireen.
Laba ka mid ah ciidamada ilaalada xabsiga oo ay maxabiista qabsadeen ayay boolisku sheegeen iney ka sii daayeen.
Dabki guriyaha la qabadsiiyey oo xabsiga qaybahiisa kale ku faafay ayaa sababay iney dhintaan dadka ugu badan.
Booliskana waxay sheegeen iney ka war heleen oo keli ah xabsiga oo gubanaya balse ay helin wax calaamad ah oo muujinaya iney xabsiga rabshada ka dhacayaan.
Muuqaal laga soo duubay xabsiga ayaa muujinaya dab iyo qaac isqabsaday oo xabsiga gudahiisa ka baxaya.
Horaantii sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii 120 maxbiis ah ay ku dhinteen xabsiyo ku yaala waqooyiga wadanka Brazil.

Xabsiga Altamira oo loogu talagalay in lagu hayo  200 oo maxbuus ayaa la sheegay iney ku jiraan 309 maxbuus, inkasta oo ay mas’uuliyiinta xabsiga ay diideen inuu xabsiga buux dhaafay.

Dalka Brazil ayaa ah wadanka aduunka ugu maxaabiista badan ay ku jiraan xabsiyada ku yaala Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here