Maxabiis ka baxsatay xabsi ku yaala dalka Indonesia

Laamaha ammaanka ee wadanka Indonesia ayaa raadinayaa ku dhawaad 300 oo maxbuus ah oo ka baxsatay xabsi ku yaala gobolka galbeed ee Papua.
Maxabiistan ayaa baxsatay xilii dibadbaxyo ay ka dhaceen magaalooyiin dhowr ah ee dalka Indonesia.
Dibadbaxyadan ayaa ka bilaawday Indonesia kaddib markii ardey kasoo jeeda gobolka Papua xabsiga la dhigay .
Ciidamo badan ayaa la geeyay magaalooyiinka ay ka dhaceen banaanbaxyada.
Mas’uuliyiinta Indonesia ayaa sheegay in dab la qabadsiiyay xabsiga ay ka baxsadeen maxabiistaasi.
Maxabiis qaar ah ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen xabsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here