Maxamad Hatimy oo ka mid ahaa xubnaha golaha hoose ee Mombasa oo geeriyooday

Maxamad Hatimy, oo ka mid ahaa xubnaha golaha hoose ee ismaamulka Mombasa ayaa lagu soo warramaya inuu geeriyooday saaka.
Hatimy ayaa sido kale ahaa guddoomiyaha ODM ee dowlad deegaanka Mombasa.
Wuxuu guddoomiye ka ahaa guddiga dhaqaalaha ee aqalka hoose ee ismaamulka Mombasa.
Mas’uulkan ayaa dhintay abaare 3-dii saac arroornimo ee saaka.
Waxaana la sheegay inuu u dhintay cudurka Covid-19.
Waxaa uu sidoo kale ahaa sayiga madaxa adeegyada caafimaadka ee ismaamulka Xeebta Dr. Khadiija Shikelly.
Hatimy wuxuu ka mid ahaa wakiiladi golaha hoose ee ismaamulka Mombasa ee laba toddobaad ka hor laga helay cudurka Covid-19.
Qoyskiisa ayaa sheegay in la aasi doono galinka dambe ee maanta.
Waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga iyo barasaabka ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here