Maxamed Qanyare Afrax oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho iyo madaxweynaha Somalia oo tacsi u diray

Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.
Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare ayaa ku jiray Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ee magaalada Muqdisho, halkaasoo uu muddooyinkan ku xanuunsanayay lagulana tacaalayay xaaladiisa caafimaad.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo
Sido kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Maxamuud ayaa ka hadlay geeridda Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in Qanyare uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee sidda weyn looga yaqaano Soomaaliya.
Waxaa uu tacsi u diray dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Carruurtii uu ka tagay Maxamed Qanyare Afrax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here