Maxay tahay sababta uu Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Xildhibaannada?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kulan ugu yeeray Xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Hawiye, kulankaas oo ka dhacaya Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin lagu ogeeysiinayay kulanka u diray Guddi ay leeyihiin Xildhibaannada, kuwaas oo dhankooda iyana farriinta gaarsiiyay Xildhibaannada kasoo jeeda Beeshaasi.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha uu xlligaan Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Xildhibaannada, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in ay ka dambeysay, kadib kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay musharixiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha oo saami ahaan ay leedahay Beesha Hawiye.
In ka badan 30 maalmood ayaa dalka uusan laheyn wax ra’iisul Wasaare ah,waxaana la tashiyada iyo kulamada uu madaxwyene farmaajo ugu yeeray Xildhibaannada ay sahleysaa in uu sii dheeraado waqtiga lagu soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here