Maxkada Ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliya oo xukun ku diray nin ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku ridey Nin lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,sidoo kalena horay dil ugu Gaystay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar.
Ninka xukunka lagu ridey oo lagu Magacaabo Maxamed Cali Maxamed ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaay ku eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish,isla markaana Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Siinaay uu ku dilay Askari lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cabdi dhuxulow oo ahaa Kormeere Sadexaad oo ka tirsanaa Ciidamada ilaalada deegaanka Xamar.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ninkaan uu Kooxda Daacish uga biirey Buuraleyda Goolis ee Gobolka Bari,isla markaana xilliga la qabanayay uu diley Kormeere Saddexad Marxuum Maxamed Cabdi Dhuxulow falkaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ninkaan Maxkamadeyntiisa ay soo martey heerar kala duwan ugu dambeyna lagu ridey xukun dil toogasho ah oo ku saabsan Qasqaasta Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada deegaanka ee uu Muqdisho ku dilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here