Maxkamad ku taalla Ruushka oo dambi ku heshay agaasime caan ah

Wakaaladda wararka ee TASS ayaa ku warramaysa in maxkamad ku taalla wadanka Ruushka ay maanta dambi ku caddeysay agaasime lagu magacaabo Kirill Serebrennikov.
Ninkan oo agaasimaha ka ah duubidda aflaanta horayna abaal marin ugu guulaystay ayaa lagu helay dambi ah inuu lacago lunsaday.
Maxkamadda ayaa la filaya inay galinka dambe ee maanta xukun ku riddo.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa dalbanaya in la xiro 6 sano.
Serebrennikov ayaa lagu eedeyay inuu hor kacayay koox falal dambiyeedyada gaysata oo dhacday 1.87 milyan oo doolar oo ay dowladda leedahay, taasoo uu iska fogeeyay.
Dhanka kale dalka Ruushka ayaa maanta laga xaqiijiyay 6,800 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu horreysay ee ka hooseysa 7,000 oo la soo tabiyo tan iyo dhammaadkii bishii Afaraad ee sannadkan.
Tirada guud ee xaaladaha corona ee Ruushka waxay hadda tahay 620,794.
Sido kale waxaa cudurka COVID19 halkaa ugu dhintay 176 qof oo dheeraad ah waxayna dhimashada guud tahay 8,781.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here