Maxkamad ku taalla Tanzania oo ayidday in gabdhaha yaryar aan la guursan karin

Maxkamad ku taalla dalka Tanzania ayaa ayidday go’aan horay u soo baxay kaasi oo lagu mamnuucay in gabdhaha xilli hore la guursado.
Go’aankan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha .
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii maxkamadda Sare ee Tanzania ay sharci darro ku tilmaantay xeer walba oo oggolaanaya in gabdhaha 18 sano ka yar ragga lagu daro xita iyadoo waalidka uu raali ka yahay.
Hasa ahaate dowladda ayaa xukunkaasi racfaan ka qaadatay balse waa la laalay .
Wasichana Initiative, oo ah hay’ad aan dowli ahayn ayaa twitarka ku sheegtay in maanta ay maalin weyn u tahay gabdhaha Tanzania.
Warbixinada dowladda dalkaasi ayaa muujinaya in iskucelcelis ahaan labadii ka mid ah 5 gabdhood oo Tanzaniyaan ah in la guursado ka hor inta aynan da’dooda gaarin 18 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here