Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo Xukuno ku riday rag eedaysaneyaal ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu eedeeyey inay dhac ka geysan jireen Magaalada Muqdisho.
Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa inay yihiin koox dhac ku geysata Bistoolado iyagoo isticmaalaya Bajaaj, waxayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada,Kombiitarrada iyo waxyaabaha la mid ka ah.
Maxkamada ayaa sheegtay in 23-kii August Sanadkii tegay ay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo xilligaas ka yimid Jaamacad, isagoo iska Difaacay isku daygoodii ayna u suura gashay inuu dhaawaco mid kamid ah kooxdan halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkii Hore.
Eedeysanaha koowaad Maxamed Cabbduqaadir Maxamed Cumar Xalane ayaa u sheegay garsoorayaasha inuu bixiyay laba dollar oo mid kamid ah labada eedeysane weydiistay kaasoo aqoon hore ka dhaxeysay balse aysan jirin wax fal dambi ah oo uu kala qeyb qaatay labada eedeysane.
Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo ah eedeysannaha labaad, sidoo kalane ahaa eedeysanaha isku dayay inuu dilo Askariga maraya xaafadda taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay inuu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdaan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, kuna hubeysnaa Bistoolad Taate ah sidoo kale hadda ka hor saldhiga degmada Wadajir loogu xiray falka tuuganimada.
Eedeysanaha Sedaxaad Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayay Maxkmadu sheegtay inuu ahaa milkiilaha mootada dhaca loo adeegsado, wuxuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad.
Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda eedeysane oo dhaqan ahaan kuwa wax dhagra ee ka tirsan Argagixisada la mid ahaa.
Qareennada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka codsaday in la siiyo xurriyadiisa eedeysanaha koowaad oo ay xafiiska xeer ilaalinta ku waayeen wax dambi ah marka laga reebo inuu caawiyay qof saaxiibkiis ah halka labada kale uu codsaday in loo fiiriyo qodobbada dambiga fududeeyo.
Garsoorayaasha oo ka baaran degaya nuxurka dacwada iyo mugga kiiska ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.
Xukunsayaasha ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib sida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here