Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo Xukuno Riday

Maxkamadda Darjada 1aad ee Ciidamada Qalabka sidee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Cabbduqaadir Suufi Muunye & Saciid Cumar Cabbdullaahi ayaa loo heystaa kamid ahaanshaha Alshabaab iyo inay u qaabilsanayeen maamulka iyo maaliyadda gaar ahaan Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.
Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa Taliyihii tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha Uruurinta lacagta ay ay ka qaadaan dadka deegaanka sida ay maxkamadu sheegtay.
Cabbduqaadir oo shabaabka dhexdiisa looga yaqaano Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir sideedii October sanadkii hore halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid laga soo qabtay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii September isla Sanadkii hore.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in eedeysaneyaasha xabsiga lagu sii hayo si baaritaanada Socda loo dhamaystiro baaritaan ayadoo la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-kii hore.
Horaantii Bishaan ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.
waxayna ka sheegrrn fadhiga Maxkamadda inay hoos tegi jireen Dakhare oo isna maqane ah.
Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah taliyaha tobanka tuullo ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxayna labadaan xukunsane u ahaayeen ku xigeen iyo wakiil Tuullada Mareerey.
Maxkamadda ayaa labadaan eedaysane ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamaa Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.
Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa shabaabka dhexdiisu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir 28 Bishii August sanadkii ina dhaafay.
Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab iyo inuu si gaar ah ugu ahaa wakiil wareed mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab sida ay maxkamadu sheegtay.
Eedaysanahaan ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay inuu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro oo muujinaya howlihiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa Al-Shabaab,sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay.
Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta ku xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here