Maxkamada oo sharci darro ku tilmaantay in shaqaalaha guriga aad ceyriso adigoo aan digniin bil ah siin

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha dalka ayaa ku dhawaaqday inay sharci darro tahay in shaqaalaha guriga kaaga shaqeeyo aad shaqada ka ceyriso adigoon siin digniin muddo hal bil ah.
Go’aankan maxkamada ayaa la soo saaray kaddib markii haweeney lagu magacaabo Maureen Munahi ay maxkamada u gudbisay dacwad ka dhan ah shaqada laga ceyriyay.
Maureen Munahi ayaa maxkamada u sheegtay in shaqada laga joojiyay iyadoo aan la siin wax digniin ah.
Waxay intaa ku dartay in go’aanka shaqada looga joojiyay uu ahaa sharci darro iyo caddaalad darro.
Waxyaabaha ay haweeneydan doonaysa in la siiyo waxaa kamid ah faa’idooyinka xilliyada fasaxa ay ahayd iyo maalmaha fasaxa dadweynaha oo ay shaqeysay.
Maxkamada ayay u sheegtay in bishii 12-aad ee sannadkii 2016-kii ay dalbatay mushaar kordhin balse haweeneyda ay u shaqeyneysay ay ka biyo diiday codsigaasi, wixii intaas ka dambeyayna aan loo ogolaan in shaqada dib ugu soo noqoto.
Garsooraha maxkamada oo lagu magacaabo Nduma Nderi ayaa go’aamiyay in hab macquul ah aan shaqada looga tirin Maureen Munahi isagoona intaa ku daray in loo shaqeeyuhu uusan raacin habkii qof shaqada looga tiri lahaa.
Mr. Nderi ayaa Maureen ku abaal mariyay in la siiyo lacag dhan 279,964 oo magdhaw ah.
Xakinka ayaa xusay inay khasab tahay in hadii qof aad shaqa ka ceyrineyso aad digniin siiso bil ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here