Maxkamada sare oo bilawday dacwadii loo haystay Joseph Irungu iyo Jacque Maribe

Maxkamada sare ee magaaladatan Nairobi ayaa si rasmi ah u bilawday dacwada dilka ah ee loo heysto Jacque Maribe oo ahayd saxafiyad ka hawlgalsay Telefishan iyo Joseph Irungu.
Kadib sagaal bilood oo baaritaano ah ayaa maxkamada sare ee Nairobi waxaa ay dhagaysan doonta dacwadii dilka loo gaystay gabar lagu magacaabi jiray Monica Kimani.
Monica Kimani ayaa 19-kii bishii Sebtember lagu dilay gurikeeda oo ku yaala xaafada Kilimani ee magaalada Nairobi kadib markii ay dib uga soo laabatay wadanka Koonfurta Sudan.
Mrs maribe ayaa banaanka ku joogtay lacag damaanad ah halka Mr Irungu laba mar loo diiday damaanad uu dalbaday in lagu siidaayo .
Garsoorayaasha maxkamadda sare ayaa warbaahinta ka codsaday inaysan baahin magacyada markhaatiyaasha laga dhagaysanayo dacwada loo haysto labadaasi eedeysane sababo la xariira ammaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here