Maxkamadda sare oo hakisay soo jeedintii madaxa cadaaladda

Maxkamadda sare ayaa hakisay dhaqangelinta soo jeedinta madaxa cadaaladda uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu kala diro baarlamanka.
Garsoore Weldon Korir ayaa hakiyay asaga oo sheegay in la dhageysanayo go’aana laga gaarayo dacwad ay soo gudbiyeen laba qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedaan ismaamulka Nairobi iyo Mombasa oo ay kaga soo horjeedaan la talinta Madaxa cadaaladda David Maraga.
Waxaa uu sheegay shakhsiyaadka dacwadda soo gudbiyay Mr Leina Konchellah oo Nairobi ka soo jeeda iyo Mr Mohsen Cabdul Munasah oo ka soo jeeda Mombasa, ayaa la yimi dacwad laga doodi karoo o ay ku doonayaan in Meesha laga saaro soo jeedinta madaxa cadaaladda.
Garaooraha ayaa xusay Kaddib markii ay maxkamadda ay aragtay dacwadda, ayaa waxa maxkamada laga doonaya inay qeexdo oo is waafajiso qaybta 261 ee dastuurka iyo hannanka dastuuriga ee uu ku dhisanyahay baarlamanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here