Maxkamadaha Machakos iyo Meru oo lagu ammaanay waxqabadkooda

Warbixin la soo saaray oo ku saabsan waxqabadka waaxda garsoorka ee dalka ayaa lagu sheegay in maxkamadda ismaamulka Machakos ay tahay midda ugu wanaagsan dhanka u adeegidda shacabka iyo howlaha cadaaladda.
Waxaa liiskan nambarka labaad iyo saddexaad galay maxkamadaha ku yaalla Meru iyo Nakuru .
Baaritaanka la sameeyay ayaa sido kale lagu saleyay sida loo dardargeliyo dhageysiga kiisaska iyo arrimaha maamulka.
Saddexdan maxkamadood ayaa warbixin lagu xusay inay boqolkiiba boqol ku guulaysteen fulinta adeegyada dhanka cadaaladda waxaana soo raaca maxkamadda ismaamulka Kiambu oo waxqabadkeedu lagu sheegay boqolkiiba 99.
Liiska tobanka maxkamadood ee ugu waxqabadka wanaagsan waxaa sido kale ku jiro maxkamadaha Kisumu ,Embu, Kakamega, Busia, Kerugoya iyo Eldoret.
Waa sannadkii labaad oo xiriir ah oo ay maxkamadda dowlad deegaanka Meru liiskan ka gashay nambarka koowaad.
Waxaa warbixinta ku xusan in garsoorayaasha Meru ay dhagaysteen oo aynan muddo hal sano gudaheed ah ku soo gabagabeyeen in ka badan 1,000 kiis oo boqolkiiba 75 la xiriiray falal dambiyeedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here