Maxkamadda Bangladesh oo xukuntay 5 qof

Maxkamadda dalka Bangladesh ayaa maanta xukuno ku ridday shan qof oo rag ah oo lala xiriiriyay dilka iyo kufsi wadareed sannadkii 2012-kii loo gaystay gabadh 15 sano jir ahayd.
Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay eedeysanayaasha.
Go’aanka maxkamadda ayaa ku soo aadaya iyadoo gudaha wadankaas ay ka jirto qeylo-dhaan laga muujinaya tacaddiga dhanka galmada ee sii kordhaya.
Xukunka dilka ayaa looga dhawaaqay degmada waqooyi ee Tangailby.
Dacwad ooge lagu magacaabo Nasim Axmed ayaa sheegay in wiil ay gabadha saaxiibbo ahayeen uu geeyay webiga qarkiisa halkaas oo isaga iyo labo kale ay ku faraxumeyeen , halka labo kalena ay caawiyeen.
Dowladda Bangladesh ayaa tan iyo sannadkii 2013-kii daldashay 23 qof halka 1,718 kalena ay wajahayaan in xukun dil ah lagu fuliyo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here