Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday rag Shabaab ka tirsan

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku riday laba xubnood oo ka tirsan Dagaalameyaasha Al-Shabaab, kuwaasoo lagu qabtay dagaal ay galeen Ciidamada dowlada.
Xasan Cabdi Aadan Nuur & Cumar Xuseen Abshir Jaabir ayaa loo haystaa kamid ahaanshaha Alshabaab gaar ahaan inay ahaayeen Sarkaal iyo Darawalkiisa si gaar ah uga shaqeyn jiray deegaanada Xiriiriya degmada Balcad & deegaanka Basra ee gobolka shabeelada dhexe.
Weerar ay ku qaadeen Fariisin ay Ciidamada Xoogga Dalku ku lahaayeen Cirifka ay degmada Deyniile kala wadaagto deegaanka Basro ayaa labada Eedeysane lagu soo qabtay iyagoo dhawaac ah Bishii November Sanadkii tegay,sida lagu sheegay War Kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa warka lagu sheegay in Hey’adaha Caafimaadka Dowladda ay isku howleen sidii ay u baxnaanin lahaayeen Ragaan Maadaama dhaawacyo ay gaareen, waxaana 11-kii March Sanadkan ay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xilligaas codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo Xasan iyo Cumar, si’ay u soo dhameystiraan eedaha ay wajahayaan Baaritaankooda.
Xasan Cabdi Aadan Nuur ayaa ahaa madixii Maaliyadda degmada Balcad u qaabilsanaa Alshaaab laakiin waxa uu ku qiray qiraalkiisa inay caawinayeen koox iyaga ka tirsan oo uu weerarka ku qabsaday isla goobta.
Cumar oo wade Mooto u ahaa Xasan ayaa isna Maxkamadda ka hor sheegay inuu ahaa nin iskiis isaga xamaasho Balse Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa labada Shaqsi kuwada Eedeeyay inay qayb ka ahaayeen weerar ay Alshabaab ku qaadeen Fariisin Ciidan November Sanadkii tegay.
Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalab Sida ee Soomaaliya ayaa Maxkamadda u sheegay inay labada Eedeysane wada ahaayeen Gurmad laakiin ciidamada ay u geysteen dhaawac Naafeen ah.
Qareennada u dooday labada Eedeysane ayaa iyagana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama labada eedeysane ay u aheyd howlgalkii ugu horreeyay ee dagaal oo ay kawada qayb galeen isla markaan uu dhaawaca ka soo gaaray labadaba.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa Xasan Cabdi Aadan Nuur iyo Cumar Xuseen Abshir Jaabir kuwada xukumay Xabsi daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda.
Eedeysanayaasha ayaa heysta Fursad ay ku dalban karaa Racfaan muddo ku siman 30 cisho xukunka kadib.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidaan oo kale waxay Xukuno Xabsi daa’in iyo Dil Toogasho ah waxay ugu riday rag ka tirsanaa shabaab kuwaaso oo lagu soo oogay Dacwdo kale duwan oo ku saabsan falal danbiyeedyada ay gaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here