Maxkamadda ICC oo Kenya ugu baaqday in ay ku wareejiso labo eedeysanayaal

Dacwad oogaha guud ee maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da Fatou Bensouda ayaa dowladda Kenya ugu baaqday inay u gacan geliso labo qof oo eedeysanayaal ah.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa inay farageliyeen marqaatida dacwado halkaas la geeyay.
Bensouda ayaa dhanka kale soo dhaweysay go’aankii uu dhawaan maxkamadda ICC-da isugu dhiibay qareen lagu magacaabo Paul Gicheru .
Waxay hasa ahaate sheegtay in qareenkan ay wada shaqeyeen Philip Kipkoech Bett iyo Walter Osapiri Barasa oo labaduba laga doonayo inay maxkamadda iska xaadiriyaan.
Bensouda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Kenya laga doonayo inay u hoggaansanto xeerarka cadaaladda oo ayna maxkamadda ku wareejiso labada eedeysanayaal si wax looga weydiiyo eedeymo loo soo jeediyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here