Maxkamadda ICJ  oo ka hortagaysa xasuuqa muslimiinta Rohingya

Maxkamadda caddaalada adduunka   ee ICJ  ayaa amartay in la qaado  tallaabooyin lagu badbaadinayo muslimiinta Rohinghya .

Arrintan ayaa timid  kaddib markii maxkamadda  loo gudbiyay  dacwad ku aadaneyd in ciidamada Milatariga  ee dalka  Myanmar  ay xadgudubyo gaysteen.

Maxkamadda ayaa sheegtay in  bulshada  laga tirada badan yahay ee Rohingya  ay weli halis sare ugu jiraan  xasuuq loo gaysto.

Waxay  dhanka  kale maxkamaddu  diiday doodo ay soo bandhigtay xukuumadda Myanmar ee ay hoggaamiso Aung San Suu Kyi.

Sannadkii  2017-kii ayay  ahayd markii  ugu yaraan  740 kun oo qof  ay ka barakaceen gobolka Rakhine   kaddib howlgallo  la sameeyay.

Waxay u caraareen  dhanka   Bangladesh  oo ay weli  qaxooti  ku yihiin  halka qaramada midoobay ay  dhibaatooyinka dhacay ku tilmaantay  isir sifeyn qaabeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here