Maxkamadda ismaamulka Kajiado oo la xiray kaddib markii shaqaale laga helay COVID-19

Waxaa si ku meel gaar ah albaabada la isugu dhuftay maxkamadda ismaamulka Kajiado oo xirnaan doonto muddo 14 cisho ah.
Tani ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah howlwadeenada maxkamadda laga helay cudurka COVID-19.
Garsoore Chacha Mwita oo madax ka ah maxkamadda sare ee Kajiado ayaa sheegay in maxkamadda lagu xiray amar ka soo baxay madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga.
Mr. Mwita ayaa xusay in howlaha xaruntan ay dib u billaaban doonaan 19-ka bishan Nofeembar.
Macaamiisha ay arrimahoodu degdegga yihiin ayaa lagu wargeliyay inay u wareejiyaan maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Machakos iyo maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Xiritaanka maxkamadda Kajiado ayaa ku soo aadaya iyadoo walaac laga muujinaya kiisaska coronavirus ee ku kordhay gudaha Kenya.
Shalay ayay ahayd markii madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga uu amray in la xiro maxkamadda Nanyuki kaddib markii saraakiisha qaar ee halkaas ka howlgalo uu haleelay COVID-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here