Maxkamadda Makadara oo si ku meel gaar ah loo xiray

Waxaa hakad galay howlaha maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi kaddib markii waaxda garsoorka ee dalka ay amartay in sida ugu dhaqsiyaha badan albaabada la isugu dhufto.
Tani ayaa timid kaddib markii labo howlwadeen laga helay cudurka Covid-19.
Madaxa diiwaangelinta ee waaxda garsoorka dalka Anne Amadi ayaa sheegtay in xaruntan aynan shaqeyn doonin 14 cisho.
Dhammaan shaqaalaha maxkamadda ayaa lagu amray inay si iskood ah isku karantiilaan.
Sido kale waxaa la buuxinayaa maxkamadda si uunan cudurka u sii faafin.
Dhanka kale waxaa dib loo furay maxkamadda ismaamulka Mombasa oo horay cudurka awgii loo xiray kaddib markii baaritaan kale oo shaqaalaha lagu sameeyay lagu ogaaday inaynan COVID19 qabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here