Maxkamadda Mombasa oo amar siisay xildhibaan Caaisha Jumwa

Maxkamadda Mombasa ayaa xildhibaanadda laga soo doortay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi Caaisha Jumwa ku amartay inay iska xaadiriso saldhigga booliska ee dekadda Mombasa ka hor isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 31-da bishan.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa shalay soo saaray amar lagu xirayo xildhibaanadda iyo 6 sarkaal oo kale.
Waxaa mas’uuliyiintan loo haystaa fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 57 milyan.
Dhaqaalahan ayaa qayb ka ah kheyraadka sanduuqa horumarinta deegaanka Malindi ee Kilifi.
Eedeysanayaasha kale ee maanta ka soo hormuuqday garoosre Edna Nyaloti ayaa kala ah Wachu Cabdalla, Kennedy Onyango, Bernard Kai, Sophia Charo, Margaret Kalume iyo Robbert Wanje .
Waxaa lagu soo oogay 13 dacwadood oo ay ka mid yihiin lunsasho lacageed,khiyaano dhanka soo iibsashada agabka iyo dokumeentiyo wax laga beddelay.
Dhammaantood waxay iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay waxayna maxkamadda ku siidaysay damiin lacageed oo min 5 milyan oo shilin ah.
Caaisha Jumwa oo maxkamadda ka maqnayd ayaa lagu amray inay booliska isku gacan geliso ka hor 31-da bishan oo ay maxkamadda mar kale dacwaddan soo hadal qaadi doonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here