Maxkamadda Nakuru oo amar hor leh siisay abaanduulaha booliska

Maxkamad uu fadhigeedu yahay ismaamulka Nakuru ayaa abaanduulaha ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ku amartay inuu dib u soo celiyo ilaaladii laga wareejiyay xildhibaanka deegaanka Kapsaret Oscar Sudi.
Go’aanka ka soo baxay garsoore Isaac Orenge ayaa la doonaya in Mutyambai uu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqangeliyo.
Amarka maxkamadda ayaa yimid kaddib codsi uu gudbiyay Sudi.
Qareenka xildhibaanka u doodaya Bernard Ng’etich ayaa booliska ku eedeyay inay mudanaha culeys dheeraad ah saareen iyadoo aan la soo gabagabeyn dhagaysiga eedeymo loo jeediyay oo ahaa inuu ku kacay kicin dadweyne .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here