Maxkamadda oo amartay in dib loo howlgeliyo qaar ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Nyamira oo la tiray

Maxkamadda shaqaalaha qeybteeda Kisumu ayaa barasaabka ismaamulka Nyamira ,John Nyagarama ku amartay inuu shaqada dib ugu soo celiyo 634 sarkaal oo la eryay sannadkii hore.
Garsoore Mathews Nduma ayaa go’aamiyay in saraakiishan ay shaqooyinkooda sii wataan.
Sido kale guddoomiyaha , ku xigeenkiisa iyo mas’uul kasta oo ka tirsan dowlad deegaanka Nyamira ayaa laga hor istaagay inuu magacyada 634-da qof ka saaro hannaanka mushaar bixinta ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad ay maxkamadda geeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here