Maxkamadda oo amartay in la xiro agaasimayaasha biyo xireenka Solai

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa amar ku bixisay in xabsiga loo taxaabo laba ka mid ah agaasimayaasha biyo xireenkii Solai ee ismaamulka Kisumu kaasoo sannadkii hore qarka jabsaday kaddibna galaaftay nolosha in ka badan 40 qof.
Mas’uuliyiintan ayaa la doonaya in lagula xisaabtamo dhul uu qiimihiisu yahay 2 bilyan oo 34 sano ka hor ay si sharci darro ah kula wareegeen.
Agaasimayaasha uu amarka maxkamadda saameynayo ayaa kala ah Mr Mansukhulal Shantilal Patel iyo Mr Mansukh Kasangra.
Waxaa sido kale eedeymo loo jeediyay Lawu Kigen Kiplagat oo horay xildhibaan u soo noqday iyo Wainaina Ng’ang’a oo ganacsade ah.
Shalay ayay ahayd markii Mr. Kiplagat iyo Mr .Ng’ang’a la soo taagay maxkamadda Makadara ee magaaladatani Nairobi.
Mid ka mid ah qareenada u doodaya qoysaska ay musiibadii dhacday dhibaatooyin ka soo gaareen oo lagu magacaabo William Arusei ayaa ka soo horjeestay in eedeysane Mr Kiplagat racfaan lagu siidaayo.
Waxaa uu cuskaday inuu jiro kiis kale oo weli maxkamadda sare yaalla kaasoo ku saabsan lahaanshaha dhulka oo aan weli la soo gabagabeyn.
Garyaqaan George Okatch oo matalayay Mr. Ng’ang’a ayaa maxkamadda u sheegay in eedeysanahan aan wax dacwad oo kale loo haysan.
Mr. Ng’ang’a ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ay ka mid ahayd inuu farsameeyay sabar loogo waxaana ugu dambeyn lagu siidaayay hal milyan oo damiin lacageed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here