Maxkamadda oo amartay in la xiro guddoomiyaha Kisumu

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amar ku bixisay in xabsiga loo taxaabo barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o iyo Risper Nyagoy oo ay walaalo yihiin.
Garsoore Tripsisa Cherere oo amarkan soo saaray maanta oo khamiis ah ayaa guddoomiyaha iyo walaashii ku eedeyay inay dafireen amar maxkamadeed.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaankaasi Benson Maweu ayaa lagu wargeliyay inuu amarkan dhaqangeliyo.
11-kii bishii Tobnaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamaddu ay eedeysanayaasha ku amartay inay soo gudbiyaan buugaag xisaabta ku saabsan oo la xariira akoontiyo uu aabahood lahaa balse ma aynan ku dhaqaaqin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here