Maxkamadda oo ayidday go’aan ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska

Maxkamad ku taalla ingiriiska ayaa tageertay iyadoo sheegtay inuu sharciga waafaqsanyahay go’aan ra’iisul wasaaraha boqortooyadaasi Boris Johnson uu dhawana qaatay.
Go’aankaasi ayaa ahaa in dhammaadka bishan la kala diro baarlamaanka ilaa iyo bartmaha bisha xigta ee Oktoobar.
Tallaabada ay maxkamaddu qaadday ayaa timid kaddib markii qorshaha maamulkaasi ay ka soo horjeesteen In ka badan 75 xildhibaano ah.
Waxay siyaasiyiintan ku doodayeen in Boris Johnson uu ku kacay arrin aan dastuuri ahayn.
Dacwadda ay geeyeen ee aan lagu raacin ayay ku sheegeen in ra’iisul wasaaraha uu doonayo inuu ingiriiska ka saaro midowga Yurub 31-da bishan tobnaad iyadoo wax heshiis ah aan la wada gaarin.
Garsoore Judge Raymond Doherty ayaa go’aanka maxkamadda ku sheegay in waxa la hor keenay ay yihiin dodo siyaasadeed balse aan lagu tilmaamin Karin meel ka dhac sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here