Maxkamadda oo ayidday tallaabadii shaqada looga eryay haweeney Fred Matiangi ku qasabtay uu saf galo

Maxkamadda ayaa dhinac isaga dhigtay dacwad ay gudbsay haweenay ka mid ahayd saraakiisha ka howlgalo garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaaladatani Nairobi taasoo shaqada laga eryay kaddib markii lagu eedeyay inaynan xushmeyn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi.
Ms Daizy Cherogony ayaa shaqada looga eryay inay qaab xushmad darro laga dheehan karo ay ula dhaqantay Matiangi oo markaas ahaa wasiirkii waxbarashada.
Waxaa ay xilligaas ku amartay in uu safka galo si loo baaro xilli uu ka safrayay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.
Garsoore Nzioki Wa Makau ayaa gaashaanka u daruuray kiis ay haweeneydan ka gudbisay maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee dalka ee KAA.
Waxaa uu xaakinka caddeeyay in marka la eego sida ay wasiirka ula macaamishay oo aan ahayn qaab habboon shaqa ka ceyrinteeda ay tahay mid sharciga waafaqsan.
Ms Daizy ayaa ku doodaysay in lagu xadgudubtay oo si sharci darro ah shaqada looga eryay sidaas awgeed ay dalbanayso lacag dhan 2.4 milyan oo shilin.
Waxay haweeneydan maxkamadda u sheegtay inaynan jabin xeerarka iyo shuruucda maamulka KAA.
Sido kale waxaa ay xustay inaynan xilligaas aqoon u lahayn Fred Matiangi oo ay ka soo qaadday qof muwaadin ah.
Maamulka KAA ayaa dhankiisa xusay in cabashadeeda aan wax qiil ah loo raadin karin maadaama shaqaale ahaan lagu wargeliyay inay macaamiisha ula dhaqanto si nidaamsan oo qadarin leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here