Maxkamadda oo dembi ku heshay qaar ka mid ah eedeysanayaashii weerarkii Westgate

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in laba tuhmane oo loo heysto weerarkii 2013-kii lagu qaaday dhismaha Westgate lagu helay dembi.
Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamad Axmad Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafa dambi ah inay gacan siinayeen argagixisada.
Garsooraha maxkamadda Milimani Lawris Francis Andayi ayaa sheegay in labaduba sidoo kale lagu helay dambi ah inay haysteen qalab argagixiso.
Eedeysanaha seddexaad Liibaan Cabdullahi Cumar ayaa si kastaba ha ahaatee wax dambi ah lagu waayey kaddib markii maxkamadda ay ku guuldareysatay inay hesho caddeyn la xiriirirta in uu xiriir lahaa kooxaha argagixisada.
Waxay wajahayeen ilaa 12 eedeymo oo ay ka mid yihiin inay fal argagixiso sameyeen , inay shirqool qayb ka noqdeen sido kalena taageereen koox argagixiso oo ayna wadanka si sharci darro ah ku joogaan.
Weerarkan oo dhacay 21-kii bishii sagalaad ee 2013-kii ayaa waxaa ku dhintay 67 qof waxaana xilligaas mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here