Maxkamadda oo dhinac u dhigtay dhaqangelinta amar ka soo baxay ismaamulka Nairobi

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa joojisay dhaqangelinta lacagaha laga qaado dadka gawarileyda ah ee ismamulka Nairobi ee baabuurtooda dhigta goobaha kala duwan iyadoo la sugayo dhageysiga dacwadda ay gudbiyee xubnaha dalladda Xiriirka Macaamiisha Kenya ee (Cofek).
Garsoore James Makau aya maanta sheegay in qiimaha cusub ee la soo saaray aan la adeegsan karin ilaa iyo inta maxkamadda ay go’aanno dheeraad ah ka qaadanayso 21-ka bisha 1-aad ee sannadka 2020-ka.
Waxay waaxda Cofek ku doodday in dowladda ismaamulka Nairobi aynan wadayaasha gawaarida siin waqti ku filan oo ay arrintan uga ra’yi dhiiban karaan ka hor inta aan isniintii lagu dhawaaqin isbeddelada cusub.
Sido kale Cofek ayaa maxkamadda u sheegtay inay caddaalad darro tahay in cadallada daaro tahay in dadweynaha aan lagu wargelin markii sharciga maaliyadda la ansaxiyay 25-kii bishii sagaalaad ee Sebteembar.
Harrison Kinyanjui oo ah qareenka matalaya dowlad deegaanka Nairobi ayaa dhankiisa maxkamadda ka codsaday inaynan tixgelin dacwadda loo soo gudbiyay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in golaha hoose ee ismaamulka Nairobi uu sharcigan soo saaray halka golaha fulinta uu dhaqangelinayo oo keliya.
Garyaqaanka ayaa xakiinka u sheegay in haddii uu garab siiyo xubnaha waaxda Cofek loo fasiri karo inuu farageliyay waajibaadka golaha hoose ee wakiilada ismaamulka Nairobi.
Gaadiidleyda caasimadda dalka oo horay maalin kasta bixin jiray 200 oo shilin oo ah lacagta loo yaqaano Parking Fees ayaa laga doonaya inay bixiyaan 400 oo shilin in kastoo amarkaasi uu hadda muran ka taagan yahay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here