Maxkamadda oo diiday inay hakiso dhaqangelinta amarro la xiriira kulamada dadweynaha

Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday inay si ku meel gaar ah u hor istaagto adeegsiga amarro dhawaan la soo saaray oo la doonayo in lagu maamulo isku imaatinka dadweynaha.
Amarradan ayaa ku saleysan talooyin ka yimid golaha qaran ee ka tala bixiya arrimaha ammaanka ee (NSAC).
Waxaa sidoo kale ansaxiyay golaha wasiirrada ee dalka .
Dacwadda looga soo horjeeda ayaa waxaa maxkamadda geeyay ururka qareenada ee LSK oo ku doodaya inay sharci darro yihiin.
Qodobbada ay LSK ka soo horjeesatay waxaa ka mid ah in cid kasta oo qaban qaabinaysa isku imaatin dadweyne laga doonayo inay ciidamada ammaanka ee deegaanka ku wargeliso ugu yaraan saddex cisho ka hor.
Garsoore Antony Murima ayaa amar ku bixiyay in dhinacyada ay dacwaddan khuseyso ee kala ah xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo abaanduulaha booliska ay jawaabo qoraal ah soo gudbiyaan galinka dambe ee berri oo Jimco ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here