Maxkamadda oo go’aan ka soo saartay dib u furka dugsiyada

Maxkamad uu fadhigeedu yahay ismaamulka Kisii ayaa soo saartay amar ah in aan dugsiyada wadanka dib loo furi karin ilaa iyo inta xarumahan ay si buuxda uga dhaqangelinayaan tallaabooyinka looga hor tagaya faafitaanka cudurka COVID19.
Shuruudaha lagu xiray goobaha waxbarashada waxaa ka mid ah inay diyaariyaan meelo ay ardayda gacmaha ku dhaqan karaan , xaqiijinta kala fogaanshaha iyo qodobbo kale.
Garsoore K. Ndung’u ayaa go’aankan ku dhawaaqay isagoo tixgelinaya dacwad ay gudbiyeen siddeed ka mid ah waalidiinta ismaamulkaas.
Maalmo ka hor ayuu wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha shaaciyay in Isniinta soo socoto ay dugsiyada dib ugu laabanayaan ardayda dhigata fasallada afaraad iyo siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo sido kale kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here