Maxkamadda oo hakisay amar madaxweyne

Maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u hakisay dhaqangelinta amar uu horay u soo saaray madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Go’aankaas ayaa ahaa in guddiyaha madaxa bannaan iyo maamullada dastuuriga ay hoos tagaan wasiirada iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Garsoore James Makau ayaa sheegay inay suurtagal tahay in hoggaamiyaha wadanka uu awoodiisa u adeegsaday si aan sax ahayn.
Dacwaddan looga soo horjeeday amarka madaxweynaha waxaa maxkamadda u gudbiyay ururka qareenada Kenya ee LSK.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ururkan uu soo bandhigay caddeymo wax ku ool oo ku aaddan in dhaqangelinta amarka madaxweynaha ay ka dhalan karto inaan la tixgelin danta shacabka.
Amarka Mr. Kenyatta oo soo baxay 11-kii bishii shanaad ayaa saameeyay in ka badan 20 guddi oo maamul ahaan la hoos geeyay waaxyaha iyo wasaaradaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here