Maxkamadda oo hor istaagtay aaska xildhibaankii Matungu

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa soo saartay amar ay ku hor istaagayso in la aaso xildhibaankii deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega Justus Murunga oo dhawaan geeriyooday.
Tani ayaa timid kaddib dacwad ay gudbisay haweeney ku andacoonaysa inay mudanaha u dhashay labo carruur ah.
Waxay maxkamaddu hakisay qorshaha aaska xildhibaanka ilaa iyo inta dacwadda laga soo gabagabeynaya.
Agnes Wangui Wamburi ayaa kiisaskan maxkamadda gaysay iyadoo uu matalaya qareenkeeda Danstan Omari.
Wangui ayaa ku doodaysa in aan laga qayb gelin qorshaha aaska xildhibaanka sidaas awgeedna ay ka cabsi qabto in laga qadiyo dhaxalka hantidiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here