Maxkamadda oo hor istaagtay barnaamijka ardayda wax lagu baraya xaafadaha

Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay go’aan dowladda ka hor istaagaya inay hirgeliso barnaamijka ardayda guriyaha ku sugan ay casharadda tooska ah qaadanayaan.
Garsoore James Makau ayaa soo saaray amarkan ku meel gaarka ah oo yimid kaddib dacwad uu maxkamadda geeyay waalid lagu magacaabo Mr. Joseph Enock Aura.
Mr. Enock ayaa ka soo horjeestay go’aanka dowladda ay bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan ku xirtay dugsiyada dalka.
Xaakinka ayaa dacwadda la hor dhigay ku tilmaamay mid degdeg ah sidaas awgeedna waalidka laga doonayo inuu dacwaddan u bandhigo xeer ilaaliyaha guud ee dalka, wasaaradaha waxbarashada iyo caafimaadka iyo sido kale golaha qaran ee adeegyada carruurta.
Labo cisho gudahood ayaa Mr. Joseph looga baahan yahay inuu dhinacyadan la wadaago kiiska uu maxkamadda geeyay si ay dhankooda uga soo jawabaan.
Waalidka ayaa ku doodaya inaan laga fiirsan go’aankii lagu xiray dugsiyada oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqda carruurta sida ku qeexan sharciga waxbarashada aasaasiga.
Maxkamadda ayuu doonaya inay faahfaahiso inuu sharciga dalka waafaqsanaa go’aankii 15-kii bishii saddexaad ka soo baxay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ee dugsiyada lagu xiray.
Waxaa uu intaa ku daray in amarkaasi su’aal la gelin karo maadaama sida uu hadalka u dhigay aan lagu soo daabicin wargayska rasmiga ee dowladda sido kalena aan baarlamaanka loo gudbin si looga doodo.
Mr. Aura ayaa maxkamadda ku sheegay in xirnaanshaha dugsiyada ay saameyn ka soo gaartay ardayda.
Waxaa uu dalbaday in dowladda lagu amro inay magdhow siiso dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee sida gaarka ah loo leeyahay oo arrinkan uu ka soo gaaray culeys dhaqaale.
Waalidka ayaa sido kale dalbaday in wasaaradda waxbarashada ee dalka lagu khasbo inay xarumaha tacliinta dib u furto koowda bisha sagalaad ee sannadkan.
Dacwaddan uu maxkamadda geeyay Mr. Joseph Enock ayaa mar kale la soo qaadi doonaa 9-ka bisha sagalaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here