Maxkamadda oo hor istaagtay in la dhimo mushaarka kalkaliyaasha Kakamega

Maxkamadda shaqaalaha ee dalka ayaa soo saartay amar guddiga adeegga dadweynaha ee ismaamulka Kakamega looga hor istaagay inuu wax ka dhimo mushaarka ay qaataan kalkaliyaasha.
Tani ayaa timid kaddib markii guddigu uu sheegay in lacagaha ay bil kasta qaataan saraakiishan caafimaadka laga jaraya 500 oo shilin si loogu adeegsado howlaha daryeelka.
Waxaa go’aankan ku meel gaarka ah ku dhawaaqay garsoore Mathew Nduma kaddib dibadbax ay sameyeen kalkaliyaasha.
Dacwadda looga soo horjeeday go’aanka dowladda hoose ee Kakamega waxaa maxkamadda u gudbiyay ururka qaran ee kalkaliyaasha dalka ee (Knun).

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here